Dhallinyarta iyo Ganacsiga

1 View

Daaddihiye: Khalid Maxamed Siciid

Ma qasab baa in aad cid u shaqayso, adiga oo adigu iskaa u shaqaysan kara? Inta badan, dadku waxa ay raadiyaan shaqo, shaqo dalkeenna aad u adag in la helo, iyada oo laga yaabo in qofkani uu si fudud isagu shaqo u abuuri kari lahaa. Si aad adigu shaqo u abuurto, dabcan waxa la rabaa in aad marka hore la timaaddo fikirkii, ka dibna fulintiisa. Dad badan oo dhallinyaro u badan ayaa laga yaabaa in ay hayaan fikirro waxku-ool ah, sidaas oo ay tahay, ma fuliyaan. Sababta dhowr waxyaabood ayaa lagu sheegaa. Midka ugu weynina waa in aanu qofku lahayn geesinnimadii uu ku fulin lahaa arrintaas. Haddaba si loo dhiirri geliyo dhallinyarta, waxa barnaamijkan marti ku ahaa Xasan Ibraahin oo lagu naanayso “Dhakajebiye”, ahna magaca shirkadda uu ka socdo iyo Khayre Ibraahin oo ah mulkiilaha shirkadda “Brandkii”.

Xasan waxa uu baadhitaan ku sameeyey shaaha magaalada lagu cabbo, waxaanu xaqiiqsaday in aanu suuqa ka heli karin shaaha guriga lagu sameeyo oo kale. Taasi waxa ay ku dhalisay in uu xambaarto falaas weyn oo uu ka buuxo shaah uu dhadhankiisa hubo, suuqyada magaaladana uu la wareego.

Xasan oo ah mataanka Xuseen ayaa ka warramay sidii loo la yaabay walaalkii markii isaga oo qurbaha ka yimid uu magaalada Hargeysa shaah la wareegay, balse markii dambe loo bogay. Taasi waxa ay markii dambe dhalisay in shaqaale cusub la qoro, magaaladana lagu faafiyo.

Khayre Ibraahin oo soo bartay cilmiga loo yaqaanno “Electronic Commerce” ayaa arkay baahida loo qabo in ay shirkaduhu yeeshaan astaan iyo magac u diiwaan gashan oo u gaar ah. Taasi waxa ay ku dhalisay in uu sameeyo shirkadda Brandkii oo ka caawisa in shirkaddu ama ururku uu yeesho astaan aan u ekayn boqollaalka kale ee isku wada eg. Loo diiwaan geliyo, si fududna ugu noqoto baadisooc.

Caweyskan oo ahaa mid roob weyni ka da’ayey magaalada ayaa haddana ahaa mid aanu roobku celin dhallinyartii ka soo qayb galaysay si ay wax uga korodhsadaan, iyaga oo dharkoodu qoyan yahayna ay su’aalo aan dhammaad lahayn weydiinayeen.

About

The Hargeysa Cultural Center was opened in August 2014 in Hargeysa, Somaliland. The Center was established by Redsea Cultural Foundation (RCF). Since its establishment, the Hargeysa Cultural Center has become an important feature in Hargeysa’s cultural landscape. The success of the center owes much to the respect that RCF has gained from its work on running the annual Hargeysa International Book Fair, which, now in its eighth year, has become one of the most admired cultural events in the region.

Mailing form

Our Contacts

26 June Street No. 2, Sha'ab area, Hargeysa, Somaliland

252(0)63-3628220

Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa