Daaddihiso: Farduus M Dheere
Barnaamijkani waxa uu daba socdaa ama uu ka mid yahay mawduuc taxane ah oo lagaga doodayo dhallinyarta iyo shaqala’aanta baahsan ee haysata. Weydiinta salka u ah dooddani waxa ay ahayd, “Ma shaqala’aan ayaa jirta mise shaqaysila’aan?”
Dad badan ayaa ku dooda in ay jirto hoosudhac ku yimid rabitaanka dadka ee ah in ay qabtaan shaqo aanay u arkayn in ay tahay tii ay qalbiga ku hayeen. Khasab miyaa in xafiis laga shaqeeyo, suurtagal se ma tahay in ay dhammaan sidaa la yeelo? Haddiiba aad hore u heli weydo shaqadii aad wax u soo baratay, ma jirtaa tababarro saa’id ah oo aad qaadan karto si aad xirfaddaada uga dhigto mid soo jiidata shaqabixiyaha?
Martida barnaamijkani waxa ay ahayd hay’adda Havoyoco oo ah hay’ad si dhow ula shaqaysa dhallinyarta, bixisana tababarro iyo waxbarashooyin xirfadeed oo qofka u sahla in uu si fudud shaqo u helo. Cabdillaahi Maxamuud Xasan oo ah maamula guud ee Havoyoco ee Somaliland ayaa ka hadlay barnaamijyada kala duwan ee ay u hayaan dhallinyarta, si ay suuqa shaqada hore ugu geli karaan. Waxa uu sheegay in ay muhiimadda siiyaan dadka aanu dhaqaalahoodu wanaagsanayn, hadhowna kuwooda dhibcaha sare keena ay u hayaan fursad ah in la deymiyo kharas raasamaal ah oo uu meherad ku furan karo.
Fu’aad Cabdillaahi oo ah Tababare Sare oo Dugsiga Farsamada Gacanta ee Havoyoco ah ayaa dadka uga warramay sida ay tababarradaasi qofka ugu fududayn karaan in ay shaqo helaan. Waxa kale oo uu sheegay in ay muhiim tahay in marka uu qofku shahaado jaamacadeed sito, uu qaadan karo tababar farsamada gacanta ah oo wax badan ka taraysa mustaqbalka qofka.
Cabdishakuur Cali Aar oo ah Madaxa Barnaamijyada Horumarinta Dhalliyarada ee Havoyoco ayaa sheegay in ay jirto jid kale oo uu qofku mari karo, jaamacadduna aanay ahayn mid ay qasab tahay in la wada maro.